Maxkmadda gobolka Banaadir oo maanta xukuntay Eedeysanayaal

Date:

Maxkamadeynta raggaan ku eedeysnaa ka Ganacsiga iyo isticmaalka waxyaabaha Maanka sida Xashiishka ayey Maxkamada Gobolka Banadir ku qaadey Xarunta C I D-da Muqdisho oo laguso xirey 30-kii bishii tagtey, kuwaasi oo laguso qabtay Howl-gal ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ka sameeyen Degmadda Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir  Aweys shekh Cabdullaahi Wehliye, ayaa ugu horeyn dhageystay kiiska dacwada lagu soo eedeyey ragaan oo ka koobnaa Afarnin.

intaa kadib ayuu guda galey ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka  Maxamed Xasan Nuur oo kiiskan gacanta ku hayey Fur furitaanka Dacwadaha laguso eedeyey ragaan, Marqaatiyada cadeymaha laga qorey iyo dhageysiga Qareenada u doodayey eedeysanayaasha.

Markii ay dhamaatay  dhageysiga Maxkamadda ayaa waxaa warbaahinta xukunada lagu kala ridey afarta nin u akhriyey Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, isagoo sheegay in lagu xukumay  Seddex kamid ah afartii qof ee maxkamadda lasoo taagay  oo kala ah Daahir Maxamed Maxamuud, Maxamed Xasan Cali iyo Cali Faarax nuur qofkiiba min Lix bilood oo dhaqan celin ah, halka Cawaale Faarax nuur maxkamaddu ay siideysay, kadib markii wax dambi ah lagu waayey.

sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka banaadir  Aweys shekh Cabdulaahi Wehliye, ayaa waxa uu ku baaqey in lasoo qabto rag kale oo kiiskaan ku lug lahaa oo aan wali gacanta laguso dhigin.

Ciidamada Booliska soomaaliyeed ayaa ugu danbeyn Banaanka hore ee  Dugsiga Janaraal kaahiye ku Gubey Maandooriyihii laguso qabtay raggaan maxkamadu xukuna kala duwan ku ridey oo ku jirey Jawaano.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Daah-furay Dib u habeynta Kaydka Radio Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Bannaanbaxu waa xaq dastuuri ah, balse fowdo ma aha

Sida dastuurro badan oo dunida ka jira, Dastuurka Soomaaliya...

War-saxaafadeed ku aadan Garsoore Cumar Cartan

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay...

Warsaxaafadeed: Calanka iyo Astaanta Qaranka ee saxda ah

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka...