Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Sudan

Date:

Madaxweynaha J. F. S. Mudane Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku sii jeeda dalka Sudan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro Sudan uu kulamo la qaato madaxda dalkaasi. iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dal iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarka uu ku aaday Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Booqashada madaxweynaha ayaa la qorsheeynayaa iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu la kulmo Soomaalida ku nool Sudan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...