Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sare iyo  Wasaaradda Batroolka Soomaaliya oo kulan yeeshay

Date:

Muqdisho (SONNA)  Kulanka ay yeesheen Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare iyo wasaarada batroolka Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay xarunta golaha aqalka saree e Magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn waxaa warbixin laga dhagaystay Wasiirka Wasaaradda batroolka iyo xubnihii la socday,  waxayna ka warbixiyeen Shidaalka dalka Soomaaliya ku jira , deegaanada lagu qiyaasay, heshiisyada baarista Shidaalka iyo Shirkadaha ka howl galaya.

Wasiirka Wasaarada Batroolka Xukuumada federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed, ayaa u sheegay warbaahinta qaranka kulanka in uu ahaa mid Wasaarada shaqada ay qabato iyo halka wax u marayaan  wax looga weydiinayay wasaaraduna ay sharaxaad buuxda guddiga ka siisay.

Mudane ilyaas Cali Xasan, Guddoomiyaha  Guddiga kheyraadka Qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha Aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in guddigooda uu ahaa mid xog raadin ah, Wasaaraduna ay si wanaagsan warbixn iyo su’aalihii la weydiiyay uga jawaabtay.

Guddiga kheyraadka qaranka kaabayaasha dhaqaalaha iyo gaadiidka ee Golaha aqalka sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya  ayaa wada sidii uu xiriir ula samayn lahaa Wasaaradaha ay quseyso Howshooda, si Guddiga  xog uu u helo.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed...

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh...

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa...

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...