Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeeysay geerida AUN Maxamuud Cabdi Cali Ducaale

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale, oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda Soomaaliyeed.

Alle ha u naxariistee Maxamuud Cabdi Cali Ducaale wuxuu ka mid ahaa haldoorkii hormuudka u ahaa saxaafadda dalka, isagoo ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho intii u dhaxaysay 1972 ilaa 1982. Muddadaas, wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim u ahaa horumarinta warbaahinta qaranka, isagoo sidoo kale ka qeyb qaatay kor u qaadidda wacyiga bulshada Soomaaliyeed iyo tayeynta mihnadda saxaafadda.

Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale ayaa sidoo kale lagu xasuustaa inuu ka soo shaqeeyay qaar ka mid ah warbaahinta madaxbannaan iyo warbaahinta caalamiga ah, oo ay ugu horreyso BBC-da Laanta Afka Soomaaliga, halkaas oo uu ka sii watay mihnaddiisa saxaafadeed.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in geerida Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale ay ka dhigan tahay tiir weyn oo ka baxay bahda warbaahinta Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa aqoonyahan iyo rug-caddaa door muuqda ka soo qaatay kobcinta iyo horumarinta saxaafadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Maxamuud Cabdi Cali Ducaale inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...