Dowladdaha Soomaaliya iyo Germany oo Hishiisyo kala saxiixday “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamal Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Abdi diirshe iyo Agaasimaha iskaashiga Horumarinta ee Wasaaradda Qorsheynta Maxamaed Daahir Faarax, ayaa gaaray Magaaladda Baarliin ee Dalka Jarmalka, Halkaasi oo ay kulamo kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Dowladdaasi.

Madaxda labada dowladood ayaa ka wada hadlay xariirka ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyagoo kala saxiiday heshiiskii ugu horreeyay  oo toos ah muddo ku siman 30 ka dib, waxaana heshiiskan uu ku saabasan yahay barnaamijyada Horumarineed ee Soomaaliya, kaasi oo lagu tixraacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, Heshiinkan ayaana ah mid u daneeynayo  labada dowladdood  ee Soomaaliya iyo  Germany .

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamaal Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Hishiiskan uu yahay mid taarikhi ah Ummadda Somaaliyeedna ay ka faa’iideysan doonta mashaariicda ku dhax jira heshiiska.

“Heshiinkan waa mid xoojinaya maalgashiga labada dal waxaana ka faa”iideysan doona labada Shacab, dalkeena waa mid hadda soo korayo kuna wanaagsan in maalgashi  lagu sameysto waa dal ku yeelo meel wanaagsan. Wasiir Jamaal ayaa sidaasi yiri.

Dr Stefan Oswald oo Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta Dalka Germany u qaabilsan  Qaaradda Africa  ayaa  boggaadisay horumarka ay Soomaaliya ay ku tilbaasatay sanadahii ugu dambeeyay dhinacyadda  horumarinta Amniga, kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo dib u dhiska, waxaana ay intaasi ku dartay in soomaaliya ay hadda mareyso meel wanaagsan loogana baahan yahay in  maalgashi lagu sameysto.

Soomaliya iyo jermalka ayaa waxaa ka dhaxeeya Saaxiibtinimo soo jireen ah, waxaana dowladda Jarmalka Dalka ay ka hirgalisay Mashaariic badan.

 

WQ/ C/rashiid Nuur Ibraahim

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo Guddi Xildhibaano ah magacaabay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...