Dowladdaha Soomaaliya iyo Germany oo Hishiisyo kala saxiixday

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Jamal Xasan Maxamed oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogta ah ee Wasaaradda Abdi diirshe iyo Agaasimaha Xafiiska Ogolaanshaha Mashaariicda ee NOA Maxamaed Daahir Faarax, ayaa gaaray Dalka Germany, Halkaasi oo ay kulamo kula qaateen Masuuliyiin ka tirsan Dowladaasi.

Madaxda labada dowladood ayaa ka wada hadlay xariirka ka dhaxeeyo labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa, iyagoo kala saxiiday heshiiskii ugu horreeyay  oo toos ah muddo ku siman 30 ka dib, waxaana heshiiskan uu ku saabasan yahay barnaamijyada Horumarineed ee Soomaaliya, kaasi oo lagu tixraacayo Qorshaha Horumarinta Qaranka Soomaaliyeed, Heshiinkan ayaana ah mid u daneeynayo  labada dowladdood  ee Soomaaliya iyo  Germany .

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga X. F. S. Jamaal Xasan Maxamed, ayaa sheegay in Heshiiskan uu yahay mid taarikhi ah Ummadda Somaaliyeedna ay ka faa’iideysan doonta mashaariicda ku dhax jira heshiiska.

“Heshiinkan waa mid xoojinaya maalgashiga labada dal waxaana ka faa”iideysan doona labada Shacab, dalkeena waa mid hadda soo korayo kuna wanaagsan in maalgashi  lagu sameysto waa dal ku yeelo meel wanaagsan. Wasiir Jamaal ayaa sidaasi yiri.

Dr. Stefan Oswald oo Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo Horumarinta Dalka Germany u qaabilsan  Qaaradda Africa  ayaa  boggaadisay horumarka ay Soomaaliya ay ku tilbaasatay sanadahii ugu dambeeyay dhinacyadda  horumarinta Amniga, kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo dib u dhiska, waxaana ay intaasi ku dartay in Soomaaliya ay hadda mareyso meel wanaagsan loogana baahan yahay in  maalgashi lagu sameysto.

Soomaaliya iyo Jermalka ayaa waxaa ka dhaxeeya Saaxiibtinimo soo jireen ah, waxaana dowladda Jarmalka Dalka ay ka hirgalisay Mashaariic badan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay in Soomaaliya u socoto dhanka nidaamyo xooggan oo ka jawaaba masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Jaaliyadda Soomaalida ee Xadarmuut oo afur u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee Yemen

Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen C/Xakiim Maxamed Axmed...

Buulo burde oo ku soo baxday Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Degmada Buulo burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa...

Wasiirka xanaanada xoolaha oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda WFP

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan...