Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya oo Turkey kula kulmay Madaxa Hayโ€™adda TIKA

Date:

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa la kulan gaar ah la qaatay madaxa Hayโ€™adda TIKA, Dr Serdar ร‡AM.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS iyo Dr Serdar ร‡AM Madaxa Hayโ€™adda TIKA, ayaa ย kawada hadlay sidii Hayโ€™addaasi ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Beeraha Dalka, maadaama Soomaaliya ay leedahay dhul beereed aad u ballaaran, islamarkaana loo baahanyahay in laga faaโ€™iideysto, si dhaqaalaha dalkaย loo horumariyo.

Mudane Siciid Xuseen Ciid, ayaa uga mahadceliyay Hayโ€™adda TIKA taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya, isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan illoobi doonin marnaba taageerada walaalnimo ee ay ka heleen walaalahooda Turkiga.

Hayโ€™adda TIKA ayaa ka mid ah hayโ€™adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo tan iyo sannadkii 2011 Dalka ka billaabay howlo samafal ah, iyadoo xilligaasi ay jirtay macluul aad u daran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale