Madaxweynaha JFS oo Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirada cusub ee Sweden iyo Austria ”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo  ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay  uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid  taariikhi ah oo dhabbaha  u xaareysa Xiriirka labada Dal.

Danjireyaasha Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare  ee Dowladahaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku guuleysatay Sugida amaanka Caasimada Dalka ee Muqdisho waxaa soo  kordhayey Wadamada Caalamka ee Safiirada usoo dirsanaya Dalka, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay yeelatay Waji cusub oo dhanka Horumarka iyo Dowlad wanaagga ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jiray laamiga Nasiib buundo ee Degmad Shibis.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr.Xasan Maxamed Xuseen...

Bannaanbax looga soo horjeedo damaca YH-da Israel oo ka socda degmada Afgooye. 

Bannaanbax weyn oo si nabadeed u dhacay ayaa maanta...

Madaxweynaha JFS oo ka hadlay mar kale faragelin Israa11l ee madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo lagu wado inay ka dhacaan gobolka Hiiraan.

Qaban-qaabada isu-soo-baxyo ballaaran oo lagu taageerayo midnimada iyo wadajirka...