Madaxweynaha JFS oo Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Safiirada cusub ee Sweden iyo Austria ”Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka Waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee Wadamada Sweden iyo Austria u qaabilsanaan doonna Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjireyaasha ayaa kawada hadlay Xoojinta xiriirka labada Dowladood iyo sidii  ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska iyo Horumarka Dalka ka socda, iyagoo balan qaaday in Soomaaliya ay ka caawin doonaan kaabayaasha dhaqaalaha, Shaqo abuurka dhalinyarada iyo isweydaarsiga Ganacsiga oo  ay la wadaagaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf garaad cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in danjiraha Dowladda Austria ay soo dirsatay  uu yahay Safiirkii ugu horreeyey ee Dowladdaasi usoo magacowdo Soomaaliya, talaabadaas ayuuna Wasiirka ku tilmaamay mid  taariikhi ah oo dhabbaha  u xaareysa Xiriirka labada Dal.

Danjireyaasha Sweden iyo Austria ayaa Dowladda Federaalka ah uga mahadceliyey sida aadka u wanaagsan ee Magaalada Muqdisho loogu soo dhoweeyey, waxaana Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Famaajo ay soo gaarsiiyeen Fariin ay kaga sideen Madaxda sare  ee Dowladahaasi.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ku guuleysatay Sugida amaanka Caasimada Dalka ee Muqdisho waxaa soo  kordhayey Wadamada Caalamka ee Safiirada usoo dirsanaya Dalka, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay yeelatay Waji cusub oo dhanka Horumarka iyo Dowlad wanaagga ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...