Fanaanada Maryan Mursal Ciise oo xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Muqdisho

Date:

Xaflad lagu soo dhaweynayay fanaanadda caanka ah Maryan mursal Ciise oo ka mid ahayd Fannaaniinta heerka 1aad ee dalka ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladda soo dhaweynta fanaanada Maryan Mursal oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Xildhibaanad Khadiijo Max’ed Diiriye iyo Sarreeye Guud Bashiir max’ed Jaamac waxaana ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha aqalka sare ee Soomaaliya mudane cabdi xaashi Cabdulaahi gudoomiye ku xigeenka 2aad golaha shacabka soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad , xubno ka mid ah labada aqal Baarlamaanka ,golaha wasiirada,Xeer ilaaliyaha qaranka , gudiga doorashooyinka heer qaran Taliyayaasha ciidamada Qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

ugu horayn waxaa ka soo qaybgalayaasha hadallo soo dhoweyn u soo jeediyay sareeye guud Bashiir Maxamed Jaamac,waxaana fanaaniintu ay halkaas ku soo bandhigeen suugaan kala gedisan

Sidoo kale waxaa si faahfaahsan uga hadlay qiimaha fannaanadda maryan Mursal Gudoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Mahad Cabdala Cawad,Wasiirka arimaha dibadda iyo dhalinyarada iyo isboortiga yuusuf garaad cumar iyo xildhibaanad Khadiija maxamed diiriye,Generaal Cabdulaahi Gaafoow Maxamud iyo masuuliyiin hore dalka xilal uga soo qabtay.

Dhanka kale Fanaanada Maryan Mursal Ciise ayaa xaflada lagu soo dhoweynayay ku soo bandhigtay hadallo qiira leh iyo heeso ka soo qaybgalayaasha munaasabadda ku reebay xusuus.

Gaba gabadii xafladda waxaa ka hadlay Gudoomiyaha aqalka sare Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi waxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsansan yahay in mudo dhowr iyo labaatan sano ah ka dib uu Caasimadda dalka ee Muqdisho kula kulmo fanaanadda heerka qaran Maryan Mursal Ciise isagoo xusay gudoomiyuhu in abwaanno iyo fanaanin Qaran ay dayac u dhinteen, Fanaaniinta soomaaliyeedna wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin wadaniyiin.

Maryan Mursal Ciise Bootaan oo ka mid ah Xiddigihii Hobaladii Qaranka ee waabari ayaa dhowaan soo gaartay Caasimadda Muqdisho, kadib safarro ay ku soo kala bixisay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo baaris ku haysa hantida iyo dhaqdhaqaaqa maaliyadeed ee argagixisada

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka (NISA), waxa ay...

Wasiirka Gaashaanshiga Jasiiradda Komoros oo si hab-maamuus leh looga sagootiyay Muqdisho

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo 300 ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Wasiirka Beeraha oo daah furay tababar 30-dhallinyaro ah lagu barayo cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Mohamed Abdi...