Gedo(SONNA) Taliyaha Ururka 48-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan gobolka Gedo C/raxmaan Ibraahim Maxamad oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jahmuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in ay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi lagu dilay Saraakiil iyo horjoogayaal ka tirsan Nabad diidka Al shabaab kuwaa soo ku sugnaa halkaasi.
C/raxmaan Ibraahim Muxmad waxaa uu tilmaamay in dagalkaas ay kula wareegeen deegaano maleeshiyaadku ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah,gaar ahaan duleedka degmada Buurdhuubo ayna gacanta ku hayaan Ciidamada Xoogga Dalku deegaanadii lagala wareegay Nabad diidka Al shabaab.
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgalo Dalka looga sifaynaayo Al shabaab,waxaana ugu dambeeyey Dagaalkii shalay ka dhacay Gobolka Gedo,ayna Ciidamadu ku qabsadeen deegaano ay maamulayeen Al shabaab.