Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo Shaqooyinka ay qabtaan-Sawirro

Date:

Muqdisho (SONNA) Kooxda Baambeyda oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay qabtaan Shaqooyin aad u muhiim ugu ah Qaranka Soomaaliyeed waxaana ay garaacaan qalab kala duwan kuwaas oo Musiga loo ekeysiinayo in qof uu heesayo oo kale.

Waxaa sidoo kale Kooxdan loo yaqaan Bando Musiko waxaana ay soo jireen Mudo dheer, hada waxaa ku soo biiray Dhalinyaro aad u da’yar oo waliba u badan Hablo.

Axmed Guulwade waxa uu ka mid yahay Waaya u jooga Kooxdan waxaana uu ka sheekeynayaa sida ay ku bilaabatay “Waxay soo bilaabatay sanadkii 1960, waxaa laga soo kala aruuriyay qeybo kala duwan oo Gobolada dalka ah, Shaqooyinka aan qaban jirnay waxaa ugu muhiimsanaa Garaacista Astaamaha qaranka”

Istaahil Jibriil Maxamed ayaa kamidda Gabdhaha da’yar ee Kooxdan ku soo biiray, waxaana ay ka hadleysaa Sababaha ay kooxdan ku dooratay.”Aad ayaan u jeclahay qalabkan kala duwan inaan garaaco, Macalimiinta kooxda aad ayay ii soo dhaweeyeen hada waxaan bartay garaacista qalabyada kala duwan oo Baambeyda ay ku shaqeyso, waalidiinteydana way igu taageersan yihiin inaan kooxda ka mid ahaado”.

Kooxdan waxaa hada ka tirsan 15 gabdhood sida uu Warbaahinta qaranka u sheegay Taliyaha Kooxda Maxamed Cali Xalaal.”15 gabdhood ayaa kooxdan ka mid ah, waxay qabteen shaqooyin aad muhiim u ah, waxaan sidoo kale ka rajeyneynaa inay ku biiraan hogaanka kooxda, waxaana jira hablo loo tababarayo”.

Muhiimadda ayaa ah in lagacaaco heeso kala duwan iyadda oo neefta Qofka iyo Faraha la isticmaalayo Nimco Maxamed oo ka mid ah kooxda ayaa sharaxeysa waqtiga ay ku soo biirtay iyo waxyaabaha ay baratay.

“Waxaan ku jiraa shaqadan mudo labo sano ah, aad ayay u adag tahay in shaqadan la qabto balse mudo dheer ka dib way ii suurtagashay inaan si fiican u barto sida baambeyda heesaha u garaacdo”.

Taliyaha Kooxda Maxamed Axmed Xalaal ayaa sheegaya Shaqadda kooxda in aysan ku ekeyn oo kaliya Magaaladda Muqdisho balse sidoo kalena dhanka Goboladda loo baxo.

Markii dalka uu imaanayo Wafdi heer sare ah oo ka socda Caalamka, soo dhaweynta Madaxda Dalka iyo arrimo kale ayey u xilsaaran tahay Kooxda Bando musiko waxaana la-aasasay horaantii 1943 dhisitaankii Ciidankii Booliska Soomaaliyeed.

Warbixinta waxaa ka diyaariyey Cali Axmed Cismaan

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...