Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Date:

Muqdisho(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan la qaatay wakiilka Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u jooga dalka Soomaaliya Michael Keating.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka ay dowladda ku talaabsaneyso iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating ayaa amaanay siyaasadda dawladda ee ku dhisan horumarka iyo ladagaallanka musuq maasuqa, isagoo xusay in Qaramada Midoobay ay sii xoojineyso taageerada ay siineyso Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...