Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Saxiixay Sharciga Isgaarsiinta Dalka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka.

Bandhigga Saxiixa Sharcigan ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada, waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Cabdi-Weli Ibraahim Sheekh Muudeey, Raiisul wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamuud Guuleed, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, xildhibaanno, aqoonyahanno iyo khubaro horay uga soo shaqaysay diyaarinta sharcigan.

Wasiirka Wasaaradda Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknaloojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sharcigaan uu yahay sharcigii ugu wakhti dheeraa dhanka ansixinta maadaama laga soo shaqaynaayey tan iyo sanadkii 2005tii taas oo muujinaysa ahmiyadda uu u leeyahay dalka.

Madaxeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Laamihii kala duwanaa ee dowladda ee kasoo shaqeeyey sharcigan, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in natiijada wanaagsan ee ka dhalatay dadaalkaas ay qeexayso wada shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa hayadaha dowlada.

“waa xaqiiq in ay caqabado badan jiraan,waana garoowsannahy in dhibaatooyinka dalkeenna aan lagu xallin karin hal habeen, balse cid walba waa u muuqataa in dalku uu horay u socdaa” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha maadama ay horay usoo meel mariyeen Golaha Xukumadda iyo Labada Gole ee Baarlamaanka.

DHAMMAAD

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisulwasaare Xamse: In ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ayaa xoolahoodii ku waayay abaarta jirta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre...

Ra’iisul wasaaraha XFS ka qayb galay madal lagu soo bandhigayey guulihii laga gaaray ka qayb galka Shirkii Isbedelka cimilada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Guudmarka Khudbadda Madaxwayne Xasan Sheekh ee Shir Madaxeedka Labaad Afrika iyo Talyaaniga

Laba sano ka hor magaalada Roma, Shir-madaxeedkii ugu horreeyay...

Madaxweynaha JFS oo ka qayb galay shir madaxeedka labaad ee Afrika iyo Talyaaniga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb...