Ilhaan Cumar”Xayiraadii dhanka socdaalka ee Trump xalkeedi ayaan ku jirnaa”

Date:

Minnesota(SONNA) Kulankani ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa waxaa wada yeeshay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo kamid ah xildhibaanada laga soo doorto Gobolka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ay wehliyaan qaar kamid ah bulshooyinka ka soo jeeda wadamada Geeska Africa.

Mudadii uu socday kulankani oo ay soo qaban qaabisay Ilhaan Cumar ayaa waxyaabaha diiradda lagu saarey waxaa kamid ah,sidii loo wajihi lahaa wax ka qabashada saameyntii ay ku yeelatay go’aankii dhanka  socdaalka ilaa 6 dal oo Soomaaliya ay ku jirto oo uu soo saarey madaxweyne Donald Trump,caawinaada kaladuwan oo ay helaan dadkaasi hadii ay ahaan lahayd dhinacyada Caafimaadka,fursadaha shaqo iyo guud ahaan adeeg yada muhiimka ah oo ay dadkani uga baahan yihiin Dowladda.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay ku dadaalayso sidii xafiiskeeda uu uga shaqeyn lahaa in Soomaalida loo fududeeyo xagga socdaalka,hanoqdaan kuwa dalka jooga oo aqoonsigooodi uu dhacsanyahay balse u baahan in loo cusboonaysiyo,kuwa eheladoodi soo booqanaya iyo kuwa kale ee doonaya in dalka  ay yimaadaan,waxaana goob joog ka ahaa qaar kamid ah Qareenada dhanka socdaalka ee ka howlgala Gobolka Minnesota.

“Waxaa soo qaban qaabiyay kulankani xafiiskayga,waxaan ugu talagalaynay in lagu caawiyo Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo dadka kale oo geeska Africa ka soo jeeda sida Oromada oo xaafaddaan degan,waxaana warbixin looga dhageysanayay dhibaatooyinka dadkani haysta iyo sidii loogu doodi lahaa in xuquuqdoodi ay helaan,qareeno ayaan ka qeybgelinay,waxaana kala hadli doonaan Dowladda in cabashooyinkoodi wax laga qabto”, Ayay tiri xildhibaan Ilhaan Cumar.

Tan iyo markii Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ay ku guuleysatay xilkan loo doortay ayaa waxaa ay wadday qorshayaal iyo dadaalo ku aadan sidii ay u raadin lahayd xuquuqaadka ka maqan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool deegaanka laga soo doorto iyo guud ahaan bulshooyinka kale ee la nool Soomaalida,waana kulan sanadkiiba 2 mar ay qabato.

Liibaan Xuseen 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...