Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Date:

Muqdisho (SONNA) Ciidanka xasilinta amniga caasimadda, ayaa xalay howlgalo waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Juungal ee degmadaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga caasimadda, iyadoo ciidanka intii ay howlgalkaas ku guda jireenna la arkayay iyagoo aad u feejigan isla markaana dadka xaafadaha ku sugan ula dhaqmaya si wanaagsan.

Xaafadaha howlgalada xalay ciidanka amniga ka sameeyeen, ayaa waxaa ku sugnaa maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana ciidanka guri guri u baareen xaafadda Juungal ee degmadaas.

Ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa intii howlgalka ay wadeen waxaa ay soo qab qabteen dad la tuhunsanaa oo dhalinyaro u badan hase ahaatee baaritaano lagu sameeyay dadkaas intooda badan waa la sii daayay.

Tan iyo markii la bilaabay howlgalada ay sameynayaan ciidanka xasilinta caasimadda ayaa si weyn waxaa u soo hagaagay ammaanka magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...