Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Date:

Muqdisho (SONNA)ย Ciidanka xasilinta amniga caasimadda, ayaa xalay howlgalo waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Juungal ee degmadaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa u jeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga caasimadda, iyadoo ciidanka intii ay howlgalkaas ku guda jireenna la arkayay iyagoo aad u feejigan isla markaana dadka xaafadaha ku sugan ula dhaqmaya si wanaagsan.

Xaafadaha howlgalada xalay ciidanka amniga ka sameeyeen, ayaa waxaa ku sugnaa maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana ciidanka guri guri u baareen xaafadda Juungal ee degmadaas.

Ciidanka amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa intii howlgalka ay wadeen waxaa ay soo qab qabteen dad la tuhunsanaa oo dhalinyaro u badan hase ahaatee baaritaano lagu sameeyay dadkaas intooda badan waa la sii daayay.

Tan iyo markii la bilaabay howlgalada ay sameynayaan ciidanka xasilinta caasimadda ayaa si weyn waxaa u soo hagaagay ammaanka magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...