Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulamay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Booqdayna Goobo Taariikhi Ah

Date:

Guddoomiyaha Golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mundane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Masar ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalaada Qaahira Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta  Axmed Abuu Geyd.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay Xaaladda guud ee dalka Soomaaliya  iyo sidii Jaamacadda Carabta ay kordhin laheyd  taageeridda ay siiso Dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda,Hormarinta dhaqaalaha iyo sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka Dalka oo hadda maraya meel gabagabo ah.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maalinkii sedexaad booqasho rasmi ah ku jooga Magaaladda Qaahira ee xarunta dalka Masar, isagoo shalay xarunta golaha baarlamaanka dalkaas kulan gaar ah kula qaaatay dhigiisa Dalka Masar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeysay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka...

Madaxweynaha Shiinaha oo ku baaqay in Sirdoonka Macmalka ah (AI) loo adeegsado horumarka aadanaha

Beijing/Shanghai – 17 Luulyo 2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha,...