Ra’iisul wasaare Kheyre” Soomaaliya waxey sameeneysaa horumaro badan”

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday talaabooyin dhinaca Horumarka ah.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in si loo adkeeyo guulaha xiligan la gaaray shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay door ku yeeshaan horumarka iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda ay ahmiyad gaar ah siineyso dhismaha ciidamada, iyada oo shalay la daah furay xarun lagu tababaro ciidamada xoogga oo uu Turkigu dalka ka hirgaliyey.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xiligan Soomaaliya ay sameeneyso horumaro badan islamarkaana lasii wadi doono wax waliba oo dalka lagu samatabixin karo.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...