Waa sidee xaaladda Barakacayaasha Baydhabo? Warbixin+Sawirro

Date:

Baydhabo (SONNA) Halkan waa kaam kuyaala duleedka bari ee Magaalada Baydhao ee xarunta gobolka Baay, Waxaana kujira boqolaal qoys oo dhawaan ka soo barakacey deegaano farabadan oo hoos yimaada gobolka Jubbada Hoose sida Shanqalaw, Saakaw, Baalinbaasho iyo Dameerka.

Deegaanada dadkaan ay ka soo barakaceen ayaa waxaa ka jira xaalado bini’aadanimo mana helin roob kufilan sedaxdii sano ee ugu danbeeyey, iyada oo  qoysaskan ay u badanyihiin xoola dhaqato iyo beeraley.

Inkastoo deegaanada dadka ay ka soo barakaceen ay kajiraan abaaro daran iyo jiilaal dheeraadey hadana waxaa in taasi u wehliya caqabado kale oo farabadan oo ka soo wajahey kunoolashaha deegaanadoodi taas oo ay ugu horeyso in si qasab ah al-Shabaab ay uga askareeyaan caruurta da’doodu kaweyntahay 10-ka sano.

Caruur aad u da’yar oo tiradooda kor udhaafayso 500 (shan boqol) ayaa kamid ah barakacayaasha, kuwaas oo waalidiintooda ay door bideen in ay caruurtooda  ka soo wadaan goobaha Shabaabka ay maamulaan si aan loo askareen.

Carurtan oo hami weyn u haya waxabarashada ayaa waxaa si lacag la aan ah wax looga baraa qol yar oo cooshado kasameysan, bugaagta iyo agabka wax lagu baro qaarkood mahaystaan, taas oo kuu muujinaysa daruufaha adag ee haysta Qoysaska caruurta, balse  waxaa kamuuqatay hami aad u sareeya ee ay u qabaan waxabarashada.

Gudoomiyaha gobolka Baay mudane  Cali Wardhaare Cabdiraxmaan oo maanta booqdey kaamka Tawfiiq ee ay kunoolyihiin qoysaska ayaa lahadley warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in la joogo waqtigii qof walba uu ka qeyb qaadan lahaa badbaadinta dadkan ku rafaadsan kaamka.

 


W/D:-Siraaji Sheekh Isxaaq

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 – Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...