Ciidanka Asluubta oo lagu wareejiyay qalab ciidan “SAWIRRO”

Date:

Ciidanka dowladda Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgala Soomaaliya ayaa maanta qalab ciidan waxa ay ku wareejiyeen Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah jaakadaha xabadda celiya ee loo yaqaano Bullet Proof, tuutaha ciidanka, dhanka isboortiga iyo waxyaabo kale, waxaana lagu wareejiyay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil kale.

Saraakiisha Talyaaniga ee maanta deeqda ku wareejiyay ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka socdeen hey’add caawisa dalalka dagaalada ka soo kabaneya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...