Ciidanka Asluubta oo lagu wareejiyay qalab ciidan “SAWIRRO”

Date:

Ciidanka dowladda Talyaaniga ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgala Soomaaliya ayaa maanta qalab ciidan waxa ay ku wareejiyeen Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah jaakadaha xabadda celiya ee loo yaqaano Bullet Proof, tuutaha ciidanka, dhanka isboortiga iyo waxyaabo kale, waxaana lagu wareejiyay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed sareeyo guuto Cilmi Waasuge Colow iyo saraakiil kale.

Saraakiisha Talyaaniga ee maanta deeqda ku wareejiyay ciidanka Asluubta ayaa waxaa ka socdeen hey’add caawisa dalalka dagaalada ka soo kabaneya.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho. 1- Madaxweyne Xasan...

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...