Taliyaha Guud ee CiidanTurkiga oo goor dhow Muqdisho soo gaarey

Date:

Wafdigaan uu hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidanka  Dalka Turkiga Hulusi Akar ayaa gor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalaad Muqdisho halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay sida uu soo sheegayo wariyaheena Maxamed Xasan Cali .

Taliyaah Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Axmed JImcaale Geedi iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Danjiraha Turkiga Ambassador Olgan Baker ayaa ku so dhaweeyey Garoonka aadan Cadde halkaasi oo kulamo uu kula leeyahay Mas’uuliyiin iyo Saraakiil.

Waxaa wefdigan loo galbiyay xarunta Safaaradad Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho,halkaasi oo kulamo ay uga socdaan mas’uuliyiin iyo saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa siweyn loo adkeyeye iyadoo ciidamada Amniga ay siweyn u sugayaan nabadgeliayada.

Socdaalkan ayaa horudhac u ah wefdi Ballaaran oo ka socoda Dalka Turkiga kaasi oo ka qeybgalidoona munaasabadda xarigga loooga jarayo xarun Ciidan oo Turkiga ka hirgeliyayay magaalada Muqdisho,taasi oo loogu talagalay in lagu tababaro ciidanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...