Wasiirka Amniga “Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa u xiran falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka”

Date:

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo ku simaha Taliyaha Booliska Soomaaliya ahna taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa si kulul waxay maanta uga hadleen dhacdadii shalay lagu dilay Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale.iyo Xoghayihii Ururkaasi Canab C/laahi Xaashi.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa marka hore sheegay in wax laga xumaado ay tahay in degmada Xamarweyne oo ka mid ah degmooyinka ugu nabdoon Gobolka Banaadir in kooxo hubeysan dil ka geystaan haddana baxsadaan, isagoo dhan kale sheegay iney jiraan mas’uuliyiin u xiran falkaasi maalmaha soo socdana warbaahinta loo soo bandhigi doono.

Sidoo kale,Wasiirka Amniga ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan baaritaan ku socdo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amaanka oo falkaan lala xiriirinayo,islamarkaana ay dhici karto haddii ay ku cadaato iney xilkooda ku waayaan.

Dhanka kale,Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax Xuseen ayaa marka hore cambaareeyay falka lagu weeraray gaari ay lahayd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale. oo darawal uu ka ahaa Wiilkeeda oo lagu nagacaabi jiray Axmed Jaamac Xersi oo weerarka lagu dilay.

Wuxuuna Taliye Afrax ku tilmaamay falkaasi mid laga xumaado oo u baahan in laamaha amaanka qaadaan talaabooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo kooxaha argagaxisada oo caadeystay daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Weerarka dilka ah ayaa shalay oo taariikhda ku beegneyd 27-September 2017, ka dhacay Wadada Via Roma ee degmada Xamarweyne,waxaana labada ruuxa ee la toogtay ay wateen gaari Surf ah iyada oo ay labaduba ay goobta ku nafwaayeen..

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Mukhtaar Afrax ayaa hadalkaan waxay ka jeediyeen kulan looga hadlayay adkeynta amaanka oo ka dhacay Xarunta Generaal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...