Ra’iisul wasaaraha  Soomaaliya iyo wafdigii la socday oo caawa kasoo degay Garoonka Muqdisho

Date:

Muqdisho (SONNA) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafi uu Hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii  Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ay uga qeyb galeen Shirweynahii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.

Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde ayaa shaqo bilaabay xilliga habeenkii ah, waxaana imaatinka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa xilli habeen ah ay ku tusineysaa Horumarka ka hana qaaday Magaalada Muqdisho iyo Amniga la isku haleyn karo ee ka jira Caasimada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...