Qarax dad Shacab ah ay ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Degmada Xamar weyne ee G/banaadir

Date:

Todobo Qof ayaa ku dhimatay 6 qofna way ku dhaawacmeen Qarax galabta ka dhacay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maqaaxi  aan  sidaasi uga fogeyn Beerta nabadda oo  la yiraahdo Isa-saar.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 7 qof 6 kalana ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay goobta gaareen qaraxa markii uu dhacay kadib, si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Waxaa kale oo uu Afhayeenka Gobolka Banaadir uu sheegay in dhammaan dadkii  Qaraxaasi dhibka uu kasoo gaaray  ay yihiin dad Shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu tilmaamay in Argagixisada ay diidan yihiin Horumarka ay hiigsaneyso Caasimada iyo Nabadda Shacabka Soomaaliyeed ay darreemayaan.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, Intaas kaddibna gaadiidka Nadaafadda gobolka Benaadir ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo waddada ka bilaabay howlo nadaafadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Qaranka oo 29 Khawaarij ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa xalay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: —Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Awqaafta XFS oo farriin u dirtay Imaamyada Masaajidyada.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

HSJ Soomaaliya oo dib u dhigtay hirgelinta sharciga Kaarka Aqoonsiga ee Safarka Gudaha.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay...