Qarax dad Shacab ah ay ku waxyeeloobeen oo ka dhacay Degmada Xamar weyne ee G/banaadir

Date:

Todobo Qof ayaa ku dhimatay 6 qofna way ku dhaawacmeen Qarax galabta ka dhacay Degmadda Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Maqaaxi  aan  sidaasi uga fogeyn Beerta nabadda oo  la yiraahdo Isa-saar.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA la hadlay ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 7 qof 6 kalana ay ku dhaawacmeen, isagoo xusay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay goobta gaareen qaraxa markii uu dhacay kadib, si ay ugu gurmadaan dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Waxaa kale oo uu Afhayeenka Gobolka Banaadir uu sheegay in dhammaan dadkii  Qaraxaasi dhibka uu kasoo gaaray  ay yihiin dad Shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu tilmaamay in Argagixisada ay diidan yihiin Horumarka ay hiigsaneyso Caasimada iyo Nabadda Shacabka Soomaaliyeed ay darreemayaan.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxan ayaa la gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, Intaas kaddibna gaadiidka Nadaafadda gobolka Benaadir ayaa goobta soo gaaray, kuwaasi oo waddada ka bilaabay howlo nadaafadeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...