Olole nadaafadeed oo maanta laga fuliyay xarumaha wasaaradaha dowladda iyo degmooyinka G/Banaadir

Date:

Maalinta ololaha nadaafadda ee la qabto khamiista ugu dambeysa bil walba oo uu horey R/wasaare Xasan Cali Khayre u go’aamiyay, ayaa maanta si weyn looga fuliyay degmooyinka iyo xarumaha Dowladda ee Muqdisho.

Xarumaha maanta laga sameeyey ololahaasi oo ku aadan dib u soo celinta bilacda waxaa ka mid ah Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga Dowladda Soomaaliya, halkaasi lagu arkayay shaqaale iyo maamul oo si wada jir ah uga qeyb qaadanaya ololahaasi.

C/llaahi Xayir Ducaale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbaahinta Qaranka u sheegey in ay fulinayaan amarkii Dowladda ee ahaa in laga qeyb qaato ololaha nadaafadda Gaaar ahaan maanta oo kale oo uu horey u iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Khayre.

Agaasime Xayir ayaa ku booriyay shaqaalaha iyo maamulka waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda in qofkasta uu ka qaato kalinta kaga aadan sidii dib loogu soo celin lahaa bilicda magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Maanta  oo kale waa xiligii loo asteeyey  nadaafadda oo dalka dhan laga fulindoono, isbedelo dhanka bilicda ayaa laga dareemayaa magaalaada Muqdisho wixii ka dambeeyey markii madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen in maalinta Khamiista ah oo bilkasta dhamaadkeedi ku beegan la qabanayo ololahani nadaafadda.

Maalinta nadaafadda ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday qaar ka mid ah haya’daha dawladda, kuwaas oo ka hawl galaayey goobo kala duwan, isla markaana dadweynaha kala qayb qaatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...