Madaxweyne ku-xigeenka Labaad ee Jubba Land oo kormeeray howsha ka socota Garoonka diyaaradaha Kismaayo +Sawiro

Date:

Madaxweyne Ku Xigeenka Labaad ee Maamul Goboledka Jubbaland oo ay Wehlinayaan Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland dhanka Xiriirka Calamiga, Taliye Ku xigenka Hay’ ada Nabad Sugida iyo Sirdonka Jubbaland ayaa Saaka howlo Kormeer Shaqo ku Tagay Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo.

Madaxweyne Ku Xigenka Labaad iyo Xubnaha La Socday iyo Mareeyaha Groonka Diyaradaha Kismaayo ayaa Soo Kormeeray Dhamaan Qeybaha Kala Duwan ee Garoonka Diyaradaha Magaalada Kismayo oo Dhowaan Lagu Soo Kordhiyay Qalab casri ah,iyagoona howlwadeenada ka Xog wareystay Qaababka Kala Duwan Ee ay Ku Shaqeeyaan qalabka.

Madaxweynaha ayaa Sido kale Soo Kormeeray Xaruntii UN-Ka ay Horay uga Daganaayeen Garoonka Diyaradaha Kismaayo oo hada ay Ka guureen Taasoo dhamaan Qalabkii yaalay Lagu wareejiyay Maamulka Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Kormeer iyo Soo Indho indheyn ka dib ayaa Madaxweyne Ku Xigenka Labaad  iyo Xubnihii La Socday Waxay Kulan La Qaateen Dhamaan Shaqalaha Garoonka Diyaradaha Kismaayo.

Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo C/laahi Adan Maxamuud Jagadoon ayaa madaxweynaha iyo Xubnihii La Socday Oga Warbixiyay Howlaha Shaqo Ee Garoonka Kismaayo iyo talaabooyinka Kala Duwan ee Maamulka Garoonka uu Ku Soo Kordhiyay.

Lataliyaha Madaxweynaha Jubaland dhanka Xiriirka Caalamiga Maxamed Cabdi Nuur Casoowe ayaa Mamulka Garoonka Kismaayo Ku amaanay Talaabada Dhanka Horumarka Leh ee Garoonka uu Garsiiyay.

Gudomiyaha Gobolka Jubada Hoose C/Rashiid C/laahi Gooni ayaa Sheegay in isha ay Marqaati ka tahay Horumarka ka muuqda Garoonka Diyaradaha Magalada Kismayo Waxuuna Amanay Ciidamada Amniga Maamul Goboleedka Jubbaland.

Ugu Danbeyntii Madaxweyne Ku Xigenka Labad ee Maamul Goboleedka Jubbaland Mudane Cabdi Qaadir Xaaji Maxamuud ayaa Sheegay in Shalay iyo maanta bilicda Garoonka ay Kala Duwan tahay Maantana uu Horumar Weyn Sameynaayo Wuxuuna amaan Dul Dhigay Dhamaan Shaqaalaha Garoonka Iyo Mamulkiisa intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...