Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo daah furay diiwaan gelinta KMG ah ee Xisbiyada Siyaasadda Dalka

Date:

Si ay sharci u fududeeya howshooda u helaan xisbiyadda siyaasadeed ee dalka ayaa Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka wuxuu ku guuleystay in la furo diiwan gelinta KMG ah ee Xisbiyada siyaasadda dalka, waxaana guddigu soo bandhigay foomamka diiwaan gelinta KMG ah, iyadoo ay goob joog ahaayeen qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka iyo Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Xaliimo Sheekh Ismaaciil Xaliimo Yarey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa muujisay in diiwaan galinta KMG ah ee maanta la daah furay ay fursad badan siineyso xisbiyada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Diiwaan gelinta ee Guddiga ayaa u sharaxay xisbiyada goobta joogay habka iyo hanaanka ay isku diiwaan galinayaan, waxaana jiray su’aalo iyo talooyin xisbiyadu ay Guddiga u jeediyeen, hase ahaatee masuuliyiinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka ayaa u sheegay xisbiyada in wax waliba uu Dastuurka faahfaahinayo, iyaguna ay hirgelin doonaan.

Guddoonka xisbiyada qaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Guddigu uu qaaday talaabo muhiim ah oo muujineysa in looga gudbi karo nidaamka hab qeybsiga  ee hadda lagu shaqeeyo.

Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku howlan hirgelinta hanaanka doorashooyinka Qof iyo cod ah oo dalka ka qabsooma.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi...