Akhriso faah faahin ku saabsan kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Boqorka Sacuusiga

Date:

Jeddah(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo safar shaqo ku jooga Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayaa maanta la kulmay Boqor Salmaan Bin Cabdi Casiis.

Madaxweynaha oo qado sharaf loogu sameeyay Qasriga Nabadda ee magaalada Jeddah ayaa waxaa soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Qasriga uu deggan yahay ku soo boogday Amiirka leh Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan, oo isla markaana ah Wasiirka Difaaca.

Madaxweynaha waxay ka wadahadleen Boqorka iyo Dhaxal-Sugaha Boqorooyada Sucuudiga xoojinta xiriirka faca weyn ee labada dal, maalgashiga, iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo la dagaallanka xagjirnimada, dhismaha iyo tayaynta Ciidamada Qalabka sida iyo mashaariic horumarineed oo ay dowladda Sucuudigu ka fulineyso Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay iska wareysteen qaddiyadaha haatan ka taagan mandaqadda iyo caalamkaba.

Masuuliyiintii kale ee uu Madaxweynahu sida gaarka ah ula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Caadil Al-Jubeyr.

Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo dalkan waxay noqotay mid ku dhammaatay isfaham iyo in la sii xoojiyo iskaashiga laba dal ee walaalaha ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa wada hadallada uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Yusuf-Garaad Cumar, La-taliyaha Madaxweynaha ee Siyaasadda Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Riyaad Mudane Daahir Maxamuud Geelle.

Dhanka Sucuudiga waxaa uga qeybgalay Amiirro iyo Wasiirro ka tirsan Boqortooyada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Maaliyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...

NISA oo 23 dhagar-qabe ku dishay howlgallo Ka dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

    WAR-SAXAAFADEED Muqdisho, February 24, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo...

Shir lagu xoojinayo Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga oo ka furmaya Ankara

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa ka furmaya shir...