Muqdisho (SONNA) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kula kulmay Saraakiisha Ciidamada, Waxgaradka iyo Bulshada magaaladaasi ku nool, kulankaasna waxaa looga hadlay guud ahaan xaaladda amaan ee Deegaanada Puntland.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada jeesto hadaf midaysana laga yeesho cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab, isagoo xusay in Puntland diyaar u tahay qorshe kasta oo lagu afjarayo Argagixisada kasoo horjeeda jiritaanka Soomaalinimada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay isku duubni iyo inay ka midaysnaadan wax kasta oo lasoo dersa, si loo soo gebagebeeyo fikirka Xagjirnimada ah ee burburinta ku saleysan.
Dhanka kale Nabadoonada iyo Waxgaradka Madaxweynaha Puntland uu la kulmay ayaa balanqaaday inay diyaar u yihiin kana midaysan yihiin wax kasta oo dhankooda looga baahdo, iyagoo Maamulka uga mahad celiyey mashaariicaha horumarineed ee ay wadaan.