Madaxweynaha JF Soomaaliya oo la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta la kulmay Boqorka Dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, waxayna labada masuul ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa  Shalay gaaray Dalka Sacuudiga  waxaana  halkaasi wafdiga Madaxweynaha uu horkacayo uga bilaabatay Booqasho rasmi  oo Labo maalin ah.

Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, waxaana booqashadan ay tahay middii Saddexaad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Dalka Sacuudiga.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...