Gaadiid Ganacsi oo gaaray Magaalada Xudur ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka howlgalo ka sameeyeen Waddooyinka isku xirra Gobolada Bakool iyo Hiiraan

Date:

Ku dhawaad 15 Gaadiid sida ganacsi ayaa gaaray Xaruunta Gobolka Bakool ee Xudur kuwaasoo ka imaaday Magaalada Baladweyn ee Gobolka hiiraan una rarnaa ganacsatada Bakool.

Gaadiidkaan oo ku xayirnaa maalmihii lasoo dhaafay inta u dhaxeysa Goblada Bakool iyo Hiiraan ayaa waxaa ugu dambayn u suurto gashay in ay gaaraan Xaruunta Gobolka Bakool ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ka sameeyeen Waddooyinka isku xira Gobladaas.

Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa waxaa ay go,doon saareen Waddooyinka soo gala Magaalo madaxda Gobolka Bakool taasoo qeyb ka ah dhibaatooyinka Nabad diidku ku hayaan dadka Shabaka ah ee ku nool Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Xasan C/raxmaan ee kaga soo warama Gobolka Bakool ayaa soo sheegaya in gaadiidkaan oo u rarnaa ganacsatada Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ay gaareen Magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...