Gaadiid Ganacsi oo gaaray Magaalada Xudur ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka howlgalo ka sameeyeen Waddooyinka isku xirra Gobolada Bakool iyo Hiiraan

Date:

Ku dhawaad 15 Gaadiid sida ganacsi ayaa gaaray Xaruunta Gobolka Bakool ee Xudur kuwaasoo ka imaaday Magaalada Baladweyn ee Gobolka hiiraan una rarnaa ganacsatada Bakool.

Gaadiidkaan oo ku xayirnaa maalmihii lasoo dhaafay inta u dhaxeysa Goblada Bakool iyo Hiiraan ayaa waxaa ugu dambayn u suurto gashay in ay gaaraan Xaruunta Gobolka Bakool ka dib markii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ka sameeyeen Waddooyinka isku xira Gobladaas.

Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al shabaab ayaa waxaa ay go,doon saareen Waddooyinka soo gala Magaalo madaxda Gobolka Bakool taasoo qeyb ka ah dhibaatooyinka Nabad diidku ku hayaan dadka Shabaka ah ee ku nool Gobolka Bakool.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Xasan C/raxmaan ee kaga soo warama Gobolka Bakool ayaa soo sheegaya in gaadiidkaan oo u rarnaa ganacsatada Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool ay gaareen Magaaladaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...