Puntland oo ugu baaqday ganacsatada hubka heysta in ay Hubkooda Sharciyeeyaan.

Date:

Wasiirka Amniga ee Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf oo Wariyeyaasha maanta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Xarunta maamulkaasi ayaa ka hadlay guud ahaan Xaaladda Amaan ee puntland iyo Howlgallo Ciidamada Amaanka ay ka bilaabeen Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, laguna baadi goobayo Hubka shar darrada ah.

Axmed Cabdullaahi Yuusuf Wasiirka Amniga Maamulka Puntland ayaa ugu baaqay Ganacsatada iyo Hay’adaha aan Dowliga aheyn ee  heysta Hubka Sharci darrada ah in hubkooda ay sharciyeystaan, si loo oggaado tirada hubka ay heystaan, lagana warhaayo.

 Wasiirka Amniga Puntland ayaa xusay in arrintaasi ay keeneyso in la adkeeyo Amaanka, islamarkaana Ciidamada ay u fududaaneyso in ay gacanta ay kusoo dhigaan dadka amni darrada abuura ee hubka sharci Maamulka aan u diiwaan gashaneen heysta, isagoo Shacabka ugu baaqay in Ciidamada ay la shaqeeyaan.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf, oo sii hadlayey ayaa sheegay in hubka ay sharciyeynayaan uu ugu weyn yahay Qorigaloo yaqoono AK47, ayna oggoleyn hub qorigaasi ka weyn.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...