Munaasabad lagu xusayey Maalintii la aas-aasay Dowladda Shiinaha oo Muqdisho lagu qabtay “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA) Munaasabad loogu dabaal dagayay 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay Dowladda Shiinaha ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow, Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u Dhiska Mudane Saadiq C/llaahi Cabdi,Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian iyo Masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta Munaasabada ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday Xiriirka Taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha iyo Marxaladaha kala duwan uu soo maray, sidoo kale waxaa si weyn loo amaanay doorka hormarka Soomaaliya uu ku leeyahay Shiinaha, sida Dhismaha, Dhaqaalaha iyo waxbarashada.

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ugu Hambalyeeyay Shacabka Shiinaha Maalinta la aas aasay dowlada dalkaas, “Waxaan ugu hambalyeynayaa Madaxda iyo Shacabka dowlada Shiinaha 68-guuradii ka soo wareegatay markii la aas aasay dowladooda, Soomaaliya iyo Shiinaha xiriirkooda wuxuu soo bilowday sanadkii 1960-kii, tan iyo markaas Shiinaha Soomaaliya waxay la garab taagnaayeen taageero wax ku ool oo dhinac kasta ah, waxaan ka codsaneynaa Dowlada Shiinaha inay Soomaaliya oo wadada hormarka cagta saartay ay dhaqaalaha iyo dhismaha guud ahaan dalka ka taageeraan” ayuu yiri Mudane Jawaari.

Safiirka Dowlada Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo Khudbad ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in Soomaaliya uu kala dhaxeeyo xiriir soo jireen ah, Dowlada Shiinahana ay Soomaaliya ka fulisay 89-Mashaariic, oo ay ka mid tahay Dhismaha Tiyaarta Qaranka, Garoonka Kubada cagta ee Muqdisho, Isbitaalka Digfeer, dhismaha Waddooyin waa weyn iyo Mashaariicyo kale, sidoo kale Safiirka wuxuu sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay siiyeen deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideysteen sdia Dhaqaatiir Soomaali ah oo ku soo wax bartay Shiinaha, dhinaca kale wuxuu balanqaaday in ay sii wadi doonaan Mashaariicda hormarineed oo ay ka fulinayaan Soomaaliya, isagoo sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin isbedelada dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo hormarka Bulshada ee Soomaaliya ka hanaqaaday.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...