Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi la socda oo Garoowe gaaray “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdeen Wasiiradda Maaliyada Dowlad goboleedyada dalka ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb gali doona shirweyne horumarinta Maaliyada Soomaaliya  lagu gorfeynayo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa, isagoo sheegay in ay u yimaadeen Garoowe ka qeyb galka Shirweyne looga hadlayo horumarinta Maaliyada Soomaaliya iyo mideynta Canshuuraha dalka oo ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...