Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi la socda oo Garoowe gaaray

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo ay la socdeen Wasiiradda Maaliyada Dowlad goboleedyada dalka ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

C/raxmaan Ducaale Beyle, wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo Wasiirada Maaliyada ee Dowlad goboleedyada dalka ka jira ee wafdigiisa qeybta ah ayaa Magaalada Garoowe uga qeyb gali doona shirweyne horumarinta Maaliyada Soomaaliya  lagu gorfeynayo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa, isagoo sheegay in ay u yimaadeen Garoowe ka qeyb galka Shirweyne looga hadlayo horumarinta Maaliyada Soomaaliya iyo mideynta Canshuuraha dalka oo ka furmay Magaalada Garoowe ee Xarunta Dowlad goboleedka Puntland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...