Soomaaliya iyo Jabaan oo heshiis kala saxiixday+Sawirro

Date:

Nairobi(SONNA) Heshiiskan laba geesoodka ah oo ay maanta magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Wasaaradda qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Somaaliya iyo hay’adda JICA ee wadanka Japan u qaabilsan Iskaashiga Horumarineed.

Heshiiskan labada dhinac ayaa waxaa dowladda soomaaliya u saxiixay Wasiir ku_xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga XfS, Fahmo Ahmed Nuur, halka dowladda Japan ay u saxiixday Madax Hay’ada JICA Dalka kenya.

Sidoo kale waxaa madasha goobjoog ka ahaa Agaasimaha Xafiiska Ogalaasha Mashaariicda Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horuamrinta dhaqalaha, iyo Wafdi ka socda hay’adda japan oo ka yimad m agaalada tokyo dalkaasi.

Nuxurka Heshiiska ayaa waxaa qeyb ka ahaa xoojinta ilaha dhaqaaalaha Dalka sida Kalluumeysiga iyo kor u qaadista tayada hay’adaha wax soo saarka.

Heshiiskan ayaa daba socdaa kulamo sanadkii hore ku dhaxmaray dalka Japan Madaxda Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay’adda Jica, taasi oo ku saabsanaa sidii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa tayada shaqaalaha rayidka iyo horumainta hay’adda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...