Labada gole ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda oo kulan looga hadlayey dardargalinta Dastuurka ku yeeshay Muqdisho “Sawirro”

Date:

Muqdisho (SONNA)  Kulankan ayaa waxaa  looga hadlay sidii loo  dar darin lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa dastuurka, Waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xiggeenka  1aad golaha aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed, Ku simaha Ra’iisul  wasaaraha ahna R/wasaare  ku xiggeenka Xukuumada soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh jibriil.

Kulankan  ayaa ugu horayn waxaa wada yeeshay  Guddoonada labada golle Baarlamaanka, Ku simaha Ra,iisal wasaaraha iyo wasiirka dastuurka, ka dib iyagoo wada socda Madaxda waxay gaareen Xafiiska ay ku shaqeeyaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas ayay warbixino isku dhaafsadeen labada guddi, Wasaarada dastuurka  iyo madaxda.

Kulamada markay soo gaba gaboobeen ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadlay  Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi  waxa uuna sheegay in Kulanka uu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa dib u eegista dastuurka  oo ay Wadajir uga shaqayn Lahaayeen guddiyada u xil saaran iyo Wasaaradda Dastuurka.

Guddoomiye cabdi  xaashi cabdulaahi oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in labada gudi iyo wasaarada dastuurka looga baahanyahay sidii qodob Qodob ay ugu  eegi lahaayeen dastuurka si ay qorshe wada shaqayn u samaystaan.

24 kii Bishan ayay ahayd markii Guddoonada labada Golle Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kusimaha Ra’iisul wasaaraha , labada guddi ee Dastuurka iyo Wasaarada dastuurka ee Xukuumada ay kulan looga hadlayay dar dar galinta dastuurka ay la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulankaasi oo  ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...