Muqdisho (SONNA) ย Kulankan ayaa waxaa ย looga hadlay sidii loo ย dar darin lahaa isla markaana wax looga qaban lahaa dastuurka, Waxaana ka soo qeyb galay Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiye ku xiggeenkaย 1aad golaha aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Maxamed, Ku simaha Ra’iisulย wasaaraha ahna R/wasaare ย ku xiggeenka Xukuumada soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleedย iyo Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh jibriil.
Kulankan ย ayaa ugu horayn waxaa wada yeeshayย Guddoonada labada golle Baarlamaanka, Ku simaha Ra,iisal wasaaraha iyo wasiirka dastuurka,ย ka dib iyagoo wada socda Madaxda waxay gaareen Xafiiska ay ku shaqeeyaan guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, halkaas ayay warbixino isku dhaafsadeen labada guddi, Wasaarada dastuurka ย iyo madaxda.
Kulamada markay soo gaba gaboobeen ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la hadlayย Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahiย waxa uuna sheegay in Kulanka uu ahaa sidii loo dar dar galin lahaa dib u eegista dastuurkaย oo ay Wadajir uga shaqayn Lahaayeen guddiyada u xil saaran iyo Wasaaradda Dastuurka.
Guddoomiye cabdiย xaashi cabdulaahi oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in labada gudi iyo wasaarada dastuurka looga baahanyahay sidii qodob Qodob ay uguย eegi lahaayeen dastuurka si ay qorshe wada shaqayn u samaystaan.
24 kii Bishan ayay ahayd markii Guddoonada labada Golle Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kusimaha Ra’iisul wasaaraha , labada guddi ee Dastuurka iyo Wasaarada dastuurka ee Xukuumada ay kulan looga hadlayay dar dar galinta dastuurka ay la qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulankaasi ooย ย ka dhacay xarunta Madaxtooyadaย ee Villa Soomaaliya.