Wabiga oo Shabeelle laga cabsi qabo in uu ku fataho tuulooyinka hoostaga Jowhar

Date:

Jowhar (SONNA) Shacbka ku dhaqan deegaanada uu maro Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la soo deristay cabsi laga qabo in uu fatahaado uu sameeyo webigaasi, iyadoo dadki ay bilaabeen in ay ka taxadiraan saameynta ka dhalan karta hadii uu fataho Wabiga Shabeelle.

Heerka biyaha Wabiga ayaa lagu soo waramaya in uu dhaafay xaaladii caadiga ahayd, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku fataho Tuulooyin hoos yimaada magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexee.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee magaalada Jowhar Abuukar Maxamed Bacadle ayaa soo sheegaya in maamulka gobolku uu wado dadaal la doonayo in lagu adkeeyo karkaarada Wabiga, si looga hortago khasaaraha ka dhalankara fatahaadahaasi.

Dadka degan goobaha sida aadka ah ugu dhowย hareeraha Webiga ayaa bilaabay in ay ka fogaadaan,waxaana soconaya olole iyo diyaar garow looga gashaamanayo arrintaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...