Wasaaradda Beeraha oo ka digtay fatahaado uu sameeyo webiga Shabeele.

Date:

Shir Jaraa’id oo Magaalada Muqdisho si wadajir ah ay ugu qabteen Wasiirka Beeraha Somaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha islamrkaana uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayay Wasaardda Beeraha ku shaacisay digniin ku aadan cabsida laga qabo in Webiga Shabelle oo biyo fara badan ay buuxiyeen inuu fatahaad ka sameeyo 20-Tuulo oo hoostaga Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/dhexe.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Somaaliya mudane Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in fatahaadaha laga cabsi qabo in ay sameeyn Qasaaro xoog leh oo ay gaarsiiyaan Shacabka ku dhaqan hareeraha Webiga.

Mudane Siciid Xuseen  Wasiirka wasaaradda Beeraha Dowladda federaalka ah ayaa xusay in qaar kamid ah Dowladaha iyo hay’adaha tagaeera Somaaliya ay kala hadleen inay gacan ka geystaan kahortagista  fatahaadaha.

Wasiirka Beeraha ayaa sidookale sheegay in Wasaarddu ku howlan tahay sidii dib loogu soo celin lahaa biyo xireenadii Webiga Shabelle

Inta badan xili roobaadka ayaa Webiga Shabelle uu fatahaad ka smaeeyaa Gobolada uu maro fatahaadaasi oo saameyn weyn ku yeelata dadka degaanka iyo beeraleyda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...