Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Furtay Shir looga Hadlaayo Xasilinta Dalka

Date:

Shirka Bilaha ee Xasilinta dalka oo uu shir Gudoominayay Wasiirka Arrimaa Gudaha , federaalka iyo dib u heshisiinta xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay sida kor loogu qadi lahaa wada shaqeynta iyo xoojinta dowlad goboleedyada waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiradda Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada iyo Wakiilo ka socda caalamka uu ka mid ahaa ku xigeenka argayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Sooamaliya Peter Dicluk iyo Safiirka Dowladda Ingiriiska David Concer

Xoghaya Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisinta Soomaaliya Cabdulaahi Maxamuud Azhari oo ka hadlay Shirka ayaa tilmaamay in shirkan lagu lafo gurayo sidii loo heli lahaa qorshe midaysan oo la xiriira Xisilinta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi faarax Saciid ( Juxa) oo shir Gudoominayay shirkan ayaa sheegay in xasilintu ay muhiim u tahay Baahinta Awoodo dowlada.

Wasiir Juxa waxa inta ku daray in Dowladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso Xoojinta Dowlad Goboleedyada Dowladnimadana ay ku hergalayso Wadajir.

Mashruuca Xasilinta dalka oo intiisa badan laga hergaliyay Degmooyinka Laga Xureeyay Maleeshiyada Alshabaab ayaa Muhiimadiisu tahay soo celinta adeegyada Bulshada iyo in dagmo walbo dadkeeda ay helaan maamul ay soo doorteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya oo Ka Qayb gashay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Hindiya iyo Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir kula qaatay magaalada Jigjiga Madaxda Gobolka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jigjiga

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo...