Ra’iisul Wasaare Khayre oo Washington kula kulmay Madax ka tirsan Bangiga Adduunka

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ku sugan yihiin dalka Maraykanka ayaa la kulmay Sarkaalka ugu Sarreeyo Fulinta Bangiga Adduunka, ayago ka wada hadlay sidii bangiga Adduunku u taageeri lahaa horumarinta dalka iyo dawladda Soomaaliya oo xiligan ka soo kabaneysa colaadaha mudada dheer ka jirey.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Ms. Kristalina Georgieva ayaa ka wada hadlay sidii loo soo noolayn lahaa hanaankii Bangi ee dalka Soomaaliya uu lahaan jiray iska markaana loo fududeyn lahaa sidii uu xiriir ula sameyn lahaa bangiyada kale ee caalamka, arrimaha kale ee kulanka looga hadlay waxaa kamid ahaa sidii Soomaaliya looga caawin lahaa dhinac walba.

“Bangiga Adduunka waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddadii horumarka, anaguna waxaan hubnaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda ka hortaagan horumarka”ayay tiri Ms. Kristalina Georgieva.

Kulankani ka dhacay xarunta Bangiga adduunku uu ku leeyahay Magaalada Washington ayaa qeyb ka noqonaya dadaalka ay dawladdu ugu jirto soo nooleynta xiriirkii Bangiyada caalamka. Iyadoo xiligani ay dawladdu ku howlan tahay.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...