Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in waxkasta wada hadal lagu dhameeyo

Date:

Kismaayo (SONNA) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ku baaqay in Soomaalida ay isu muujiso qadarin iyo is ixtiraam, iyadoo la ilaalinayo danaha Ummadda.

Mudane Maxamed Axmed Islaam ayaa ugu horeyn faah faahin ka bixiyay socdaal uu dhawaan ku tegay Gobolka Gedo, halkaasi oo uu kula soo kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka iyo saraakiisha ciidamada amniga oo ay ka wada hadleen sidii loo dar dargelin lahaa howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Dhowr iyo toban bari ayaan safar ku jiray oo gobolka Gedo ah, intii aan maqnaa dagaallo badan ayaa dhacay, balse waxaa jiray diyaar garow fiican oo ay ciidamada isku tashanayeen oo ay cadowgooda meel fiican bey ka gaareen ciidamada, waxaana ay hadda ku jiraan abaabul inay sifeeyaan degmooyinka qaar ee gobolka ka mid ah”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada ay door fiican ka qaadan doonaan sidii dib la isugu furi lahaa waddooyinka qaar ee gobollada Jubbooyinka ee ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Waxaa jira maalmahan wadanka Xaaladiisa waxaa mooddaa inay jiraan qilaafaad, iska bada hadal iyo is eed eed, Soomaaliya waxaan isleeyahay Nabad is afgarad iyo wadahadal  ayaa wax lagu dhisi karaa, khilaaf wax buu dumiyaa mooyee, waxba ma dhiso, waxaana loo baahanyahay guud ahaan Soomaalida inay is ixtiraamto, heer gobol  iyo heer Federaal intuba, isqadarin, is ixtiraam iyo wadatashi ayaa guul lagu gaari karaa” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

“Dalkan waxa uu u baahanyahay in la wada tashado, dalkan waxa uu u baahanyahay is afgarad wixii soo baxa in lagu dhameeyo, waxaana diyaar u nahay inaan gogol dhigno Kismaayo oo ay isugu imaanayaan Madaxda dowlad goboleedyada oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo wixii tabasho ah oo ay u qabaan Madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya”ayuu raaciyay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Baydhabo kula kulmay Saraakiisha ciidamada

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY ODAYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...