Maamulka K/Galbeed oo bilaabay dhismaha Dowladaha Hoose

Date:

Xudur(SONNA) Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo dhisilahaa xildhibanaada Golaha Deegaanka ee degmooyinka iyo deegaanadaasi.

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bokool waxaa Tababar  looaga furay Ergooyinkii soo xulaya Xildhibaanada Golaha Degaanka Dowladaha Hoose ee Degmada Xuddur,kaasi oo lagu baranayo cashiro la xiriira qaabkii arrimahaasi loo wajihi lahaa.

Waxa ka soo qeyb galey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed Xildhibaan Xasan Macalin Yuusuf (Balak) iyo mas’uuliyiinta Hay’adda CRD oo maalgelinaysa barnaamijkan.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunow Maxamed oo furay Tabbarka ayaa sharaxay muhiimada Tababarkani uu u leeyahay Ergooyinka.

“Tababarkaan oo socondoono mudo sedex maalmood ah waxaa lagu bixin doonaan Casharo oo run ahaantii Aqoontooda kor loogu qaadayo Ergooyinka loogu talagalay in ay ka qeybqaataan soo xulista xildhibaanada Golaha deegaanka, waxaana ay ka kala yimaadeen bulshooyinka wada dega magaalada Xudur”, Ayuu yiri Wasiir Madoobe Nuunow.

Ergooyinkan oo tiradooda ay ka kooban tahay ilaa 150 xubnood ayaa looga fadhiyaa in ay si deg deg ah ay u soo xulaan xildhibaanada Golaha Deegaanka magaaladaasi Xudur,taasi oo qeyb ka ah horumarinta nidaamka dhismaha Dowladaha Hoose oo ka soconaya guud ahaan Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...