Ciidamada oo gacanta ku dhigay rag fal dambiyeed geystay

Date:

Muqdisho (SONNA) – Ciidamada amniga oo kaashanaya shacabka gobolka Benaadir ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan dhallinyaro fal dhaawac ah ka geystay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Thabit Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Waaxda Axmed-Gureey ee degmada Hodan ayaa sheegay in ciidamada dowladda, gaar ahaan ilaalada Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Khaliif Cabdiqaadir ay ku guuleysteen inay qabtaan rag fal dambiyeed geystay oo doonayay inay goobta ka baxsadaan.

“Koox dhallinyaro ah oo bistoolado ku hubeysan, fal dambi ahna geystay oo qof soo dhaawacay ayaa la qabtay, waxaan caawa dadka Muqdishaawiyiinta ah ugu bishaareynayaa in wada shaqeynta shacabka keentay in lagu guuleysto in dad fal dambi intaas la eg geystay lagu qabtay Waaxda Axmed Gureey, Waa Alle mahadiis, waxaana ku wareejinay hay’adaha ammniga, iyaga ayaa caddeyn doono waxa ay yihiin raggan bistooladaha ku hubeysan” ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.

Guddoomiyaha ayaa xusay in qofkii ay dhaawaca u geysteen raggan hubeysan ay ku booqdeen mid ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Muqdisho, waxaana uu shacabka uga mahadceliyay kaalinta ay ka geysteen in gacanta lagu soo dhigo rag fal dambiyeed geystay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...