Ciidamada Dalka oo burburiyay Saldhigyo Maleeshiyada Shabaab ay ku lahaayeen Shabeelada Hoose

Date:

Muqdisho(SONNA) Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ka howlgala deegaano hoos yimaada degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose  ayaa burburiyay saldhigyo  Al-shabaab ay ku lahaayeen qeybo kamid ah gobolkaas.

Al-shabaab ayaa fariisimo waxa ay ku lahayeen deegaanada Mushaani Janaale ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay la kulmeen dagaalo goos goos.

Taliyaha ururka 26-aad ee guutada  sedaxaad ee ciidamada xoogga dalka Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar  (Xasan Jaamici) oo howlgalkaasi hoggaaminayay ayaa xaqiijiyay In ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay burburiyeen saldhigyo Al-shabaab ku lahayeen deegaanada Mushaani iyo Janaale ee gobolka Shabellaha Hoose.

“Intii ciidamada geesiyaasha ay ku jireen howlgalka waxaan halkaasi kula kulnay dagaal naf la caari ah oo Nabad diidka ay ku soo qaadeen ciidamada waxaana halkaasi Al-shabaab looga dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadkaas dhaawacyana waa loo geystay,dibna waa loo celiyay”, ayuu yiri Xasan Jaamici.

Xasan Jaamici, ayaa Sidoo kale, xusay inta uu socday howlgalka lagu burburinayay fariisimaha Cadowga Al-shabaab ay kala Kulmeen weerar fashilmay waxa uuna sheegay taliyaha in dagaalka lagu dilay tiro ka tirsan nabad diidka Al-shabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...