Trump oo soo saareya sharci cusub oo soo galootiga quseeya

Date:

Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa la fileyaa in uu ku dhawaaqo sharciyo cusub oo xadidaya soo galidda dalkaas kuwaas oo lagu soo rogay lixda dalka oo Muslimka ah oo Soomaaliya ku jirto iyadoo 90 maalmood ee uu horey u soo saaray maanta oo Axadda ah uu ku eg yahay.

Waaxda amniga gudaha ee dalka Mareykanka ee loo yaqaano Homeland Security  ayaa madaxweynaha kula talineysa in ay soo saaro sharci cuusb  oo lagu soo rogo dadka ka imaanaya dalalkaas ee Mareykanka soo galaya in ay la soo wadaagaan macluumaad ku saabsan qofka imaanaya.

Saraakiisha Mareykanka ma sheegin qaabka iyo wadamada sharcigan uu saameynayo, hase ahaatee waxaa ay cadeeyeen in xeer uu soo bixi doono Axaddan maanta ah.

“Ku simaha xoghayaha amniga gudaha ayaa ku taliyay sharciyo aad u qalafsan in la dhaqan gelin doono, kuwaas oo ay kamid yihiin xadidaad iyo kordhinta baaritaan khaas u ah dadka ka imaanaya dalalka qaar,” sidaaa waxa sheegay  Miles Taylor, oo la taliye u ah sii hayaha xilka xoghayaha amniga gudaha dalkaas Elaine Duke.

Sharcigan hadda dhamaanaya ayaa lagu soo rogay dadka ka imaanaya dalalka Iran, Liibya, Somaaliya, Suudaan, Suuriya iyo Yeman, marka laga reebo dadka xiriir qoys la leh qof Amerikaan ah ama xiriir ganacsi la leh dalka Mareykanka.

Amarkii hore madaxweyne Trump, ayaa si weyn buuq iyo jahweerar badan ka abuurey garoomada diyaaradaha dalkaas keeneyna doodo sharci , saraakiisha ayaa sheegay in muddo bilooyin ah wadeen sidii loo heli lahaa sharci cusub isla markaana iskaashi la sameeyeen hey’addaha kala duwan ee dalkaas iyo wasaaradda arimaha dibadda.

Talooyinka ay soo jeedisay waaxda amniga gudaha Mareykanka ee loo soo gaabiyo DHS waxaana kamid ah in la sameeyo waxa loo yaqaano  electronic passports  oo leh macluumaad ku saabsan qofka sita Baasaboorka iyo xog ku saabsan dambiyo argagaxiso haddii ay jiraan sidaasna lagula soo wadaago Mareykanka ka dib marka macluumaadkaas laga rabo qof kasta oo ka imaanaya wadamada caalamka, markaasna muddo 50 maalin ah loo qabto in shuruucdaas u hogaansamo.

Qofkii ka baaqsada in uu shuruucdan u hogaansamana lagu soo rogi doono xanibaan iyo baaritaaano adag ilaa dowladiisa sharcigaas ogolaato.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa uu sheegay in uu sameyn doono sharci adag oo xadideya socota dalkiisa imaanaysa ka dib markii weerar bombaano lagu qaaday xarunta tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaalada London.

Dadka naqdiya madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen in go’aamada uu qaaday ay yihiin kuwo ka hor imaanaya dastuurka dalkaas oo damaanad qaadaya xuquuqda qof kasta. Trump ayaa horey u sheegay in dalka Mareykanka ka mamnuuci doona dhammaan masulimiinta xilligii uu socday ololaha doorashada dalkaas sanadkii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...