Ra’isul Wasaare Kheyre “Tayaynta ciidankeena waxaa hortaagan cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya”

Date:

Ra’isul Wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Hassan Ali Khayre  ayaa  waxaa uu qudbad taariikhi ah ka  jeediyay Xarunta qaramada midoobay ee New York  .
Rauslwasaaraha ayaa sheegay in dhanbal Salaan ah uu ka sido Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kale faahfaahin ka bixiyay isbadalka ay Soomaaliya gashay iyo halka ay ka timid, Waxa uu qiray in Soomaaliya ay samaysay horumar la taaban karo
“Soomaaliya horay ayay u socotaa waxana naga go’an in aan sidas ku sii scono, hadafkanagu waa in aan ka qeyb qaadanaa horumarinta gobolka qaarada iyo caalamkaba, inkasta oo ay jiraan marxalado adag hadana waxaan horumar la taaban karo ka gaarnay , Amaanka, soo celinta sharciga iyo kala danbaynta iyo sal u dhigida siyaasada”
Mudane Khayre oo ka hadlayay kooxaha Nabad diidkaa ayaa xusay in caqabadaha ugu balaaran ay yihiin dhibaatootinka argagixsada.
“Argagiixsada ayaa kow ka ah caqabadaha aan wajahayno, taas oo saamaynaysa guud ahaanba caalamka loona baahanyahay in si wada jir ah looga hortago, Haddii aan nahay dowladda Soomaaliya waxaan guulo waaweyn ka gaarnay la dagalanka kooxda Al-shabaab oo aan ku wiiqnay awooda kooxdaasi, Waxan u mhadcelinaynaa ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM oo aan ka helnay naf u hurid iyo taageero balaaran oo aan hagrasho ku jirin”
Raysulwasaaraha ayaa qudbadiisa ku xusay ahmiyada dhalinyarada iyo sida ay xukuumaiisu tixgalin u siinayso isaga oo tusaale u soo qaatay  alllaha u naxariistee wasiir cabaas siraaji oo tusaale  u ahaa dhalinyarada
” Faqriga waxbarasho la’aanta iyo nolosha adag ayaa ah kuwo sii kordhinaya dhibaatooyinka iyo ficilada argagixida aduunka oo dhan, dhalinyarada oo aan loo helin fursado shaqo iyo waxbarasho ayaa sii badinaya ku biiristooda kooxaha danbiilayaashaa oo ay argagixisadu ka mid tahay”
Raysulwasaaraha ayaa sheegay in cuna qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya ay hortaagantahay Guul laga gaaro ladagaalanka kooxaha nabad diidka ah.
Qodbada raysulwasaraha oo dheereyd waxaa lagu xusay in Somaliya ay la dagaalamayso Musuqa, isla markaan dowladu ku dadaalayso tayaynta ciidanka qaran iy sidii loogu dhamaystiri lahaa Tasiilaadkii ay kula wareegi lahayeen amniga dalka
 

Khudbadda Ra'isalwasaare Xasan Cali Khayre Toos uga Jeedinaayo Xarunta Q. Midoobay

Δημοσιεύτηκε από Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed στις Παρασκευή, 22 Σεπτεμβρίου 2017

Deeqo Shire (SONNA) 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii...

SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, ayaa degmada Baardheere...