Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Date:

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Saadiq Abshir Garaad, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga iyo Xoghayaha Guud, ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula yeeshay laamaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha amniga, si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ammaan ah inta lagu guda jiro diyaar-garowga iyo qabsoomidda doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga goobaha doorashada iyo sugidda nabadgelyada dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka doorashada.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xusay inuu sii laba-jibbaarayo dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...