Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoorre

Date:

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaaliyada degmada Beledweyne, kana mid ahaa Aqoonyahannada gobolka Hiiraan oo xalay ugu geeriyooday magaalada Beledweyne xanuun deg deg ah oo la soo darsay.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Bashiir Xuseen Dhoore , waxa uu ahaa shaqsi u huray  naftiisa u adeegida Qaranka, waxaana lagu xusuustaa doorkii Shariifka ahaa ee ka shaqeynta arrimaha Bulshada” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana Samir  iyo imaan uu ka siiyo.
Allaha u naxariistee Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ahaa Aqoonyahan wax  badan ka shaqeeyay Horumarinta arrimaha Bulshada iyo isku xirka Ururada Bulshada Rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...