Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

Date:

Muqdisho(SONNA) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaaliyada degmada Beledweyne, kana mid ahaa Aqoonyahannada gobolka Hiiraan oo xalay ugu geeriyooday magaalada Beledweyne xanuun deg deg ah oo la soo darsay.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Bashiir Xuseen Dhoore , waxa uu ahaa shaqsi u huray  naftiisa u adeegida Qaranka, waxaana lagu xusuustaa doorkii Shariifka ahaa ee ka shaqeynta arrimaha Bulshada” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa yiri. “Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana Samir  iyo imaan uu ka siiyo.

Allaha u naxariistee Bashiir Xuseen Dhoore ayaa ahaa Aqoonyahan wax  badan ka shaqeeyay Horumarinta arrimaha Bulshada iyo isku xirka ururada Bulshada Rayidka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaasare kuxigeenka Dalka oo saaka qaatay Kaarka Cod-bixinta Doorashada

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed...

Wasiirka beeraha iyo wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa kormeer ku tegay degmada Hawlwadaag oo ay ka socoto kaar qaybinta

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xil. Maxamed Cabdi...

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS oo xalay la caweeyey bulshadda, kuna boorriyay ka qeybgalka doorashada

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...