Faah faahin ka soo baxayso Tahriibayaal ku dhintay xeebaha wadanka Liibiya

Date:

Ugu yaraan 50 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga cabsi qabaa in ay ku Dhinteen  badda Mediterraneanka ee isku xirta Afrika iyo Yurub  ka dib markii doontii ay saarnaayeen uu ka go’ay shidaalkii,iyadoo maraysa xeebaha dalka Liibiya.

Doonta oo ay saarnaayeen ilaa 100 qof oo Tahriibayaal ah ayaa Jimcihii hore ka shiraacatay magaalada Sabratha ee ku taala dhinaca Galbeed ee Dalkaasi, sida ay saraakiil deegaankaas ah u sheegeen BBC-da.

Doonta ayaa badda dul sabaynaysay maalmo ka hor inta aysan dagin, Doonidaasi ayaa markii dambana ku soo caarisay agagaarka magaalada Zuwara ee Dalkaasi Liibiya  saacadihii hore ee Arbacadii.

35 qof oo doontaasi ka badbaaday iyo siddeed mayd ah ayaa la helay”sida ay saraakiishu sheegeen.

Ilaa iyo haatan laba kala cadeyn karo wadamada ay ka soo jeedaan dadkaasi tahriibayaasha ahaa ee badda ku dhintay dhamaan,balse waxaa la aaminsanyahay in ay ka soo jeedaan wadamada Afrika ee Saharaha ka hooseeya.

Afhayeen u hadlay ciidammada badda ee Liibiya ayaa sheegay in dhammaan dadka soo badbaaday ay ka soo jeedaan dalalka Afrika ee Saxaraha  ka hooseeya.

Kumanaan qof o muhaajiriin Afrikaan ah ayaa sanadkanta ku biimeeya naftooda badaha,iyagoo isku dayaya in ay gaaraan wadamada Yurub, si ay u helaan nolol ka duwan midda ka jirta wadamada ay ka soo carareen oo qulqulatooyin iyo colaado sokeeye ragaadiyay.

Dalalka Midowga Yurub iyo QM ayaa isku dayay in ay ka hortagaan khatarahaasi la gudboon muhaajiriinta,waxaana badada ku dhintay kumanaan qof,o isugu jir acaruur iyo haween,xili ay isku dayayaan in ay ka gudbaan badda si ay u gaaraan wadamada Yurub

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle,...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen),...